Soomaali
Macluumaadka loogu talo galay bukaanka cusub
Sida nooloola xidhiidhayo
Caadiyan bukaanka noosoo gdubiya GP gooda (gudbinta dhakhtarka) marka loo arko inay u baahan yahay kaalmo cilmi nafsi.
Waxaa sidoo kale macquul ah in qofku iskii noogu yimaado. Si aad iskaa noogu timaado, waa inaad lasoo hadashadaa lambarada soo socda:
Hadi aad degan tahay Spånga, Tensta, Rinkeby ama Kista, lahadall 08-128 894 00. Lambarka waxaad heli kartaa inta u dhaxaysa 8 subaxnimo - 17 galabnimo.
Hadii ad degan tahay Danderyd, Täby, Vallentuna, Lidingö, Vaxholm ama Åkersberga, waxaad toos ula hadli kartaa qaybta soo dhawaynta.
Qof kale ka dalbo inuu kuula soo hadlo hadii uu kugu adag yahay inaad ku hadasho ama fahanto swedish-ku. Sidoo ale, marka aad booqanayso xarunta caafimaadka turjubaan xirfadle ah ayaa la adeegsan karaa hadii loo baahdo.
Marka hore laguu daweeyay oo aad u baahan tahay balan
Hadii hore ay kuu dawaysay xaruntaayada caafimaadku oo aad u baahan tahay balan cusub, waxaad la xidhiidhi kartaa dhakhtarkaaga ama qofka maaraynaya kiiskaaga, toos, kaas oo aad kala hadlayso qaybta soo dhawaynta ama kala hadal 1177.
Si aad balan u joojiso
Fadlan xaqiiji inaad wargelin sii bixiso 24 saacadood kahor hadii aad doonayso inaad balanta ka baxdo. Joojinta, ama fariimaha kale, waxaa kula socodsiin kara qaybta soo dhawaynta (cadajalada fariinta lagu duubo waxaa la geli karaa 24 saacadood maalintii) 1177.
Marka aad fariin noo reebayso, fadlan sheeg arrinkaaga, magacaaga, lambarkaaga aqoonsiga shakhsi ahaaneed, sidoo kale magaca qofka aad la balamayso sidoo kale taariikhda iyo wakhtiga balanta
Kharash
Kharashkaayagu waxa uu lamid yahay ka Daryeelka Caafimaadka Guud (Stockholms läns landsting). Sharciyada guud ee ilaalinta kharashka badan (högkostnadsskydd) kaadhka kharashka laga soo reebey (frikort) ayaa jira. Hadii aad ku iman waydo balanta adiga oo aan soo wargelinin ama hadii aad balanta joojiso wax kayar 24 saacadood gudahood, waxaa ku fuuli doona kharashka shaqada.
Daryeelka Degdega ah ee Dhakhatarka Cilmi Nafsiga
Hadi aad degan tahay Spånga, Tensta, Rinkeby ama Kista
Hadii aad u baahan tahay kaalmo inta lagu jiro maalintii (8 subaxnimo - 4:30 galabnimo) waxaad la xidhiidhi kartaa dhakhtarkaag cilmi nafsiga , qofka ka masuulka ah daawayntaada, qaybta soo dhawaynta ama adiga oo lasoo hadlaya 08-128 894 00.
Hadii aad u baahan tahay daryeelka degdeg ah gelinta danbe ama habeenkii inta u dhaxaysa 4:30 galabnimo - 10 habeenimo ama labada maalmood ee fasaxa ah todobaadkii 8 subaxnimo - 10 habeenimo la hadal 08-128 894 00.
Hadii aad u baahan tahay daryeel degdeg ah wixii ka danbeeya 10 habeenimo la hadal 08-123 492 00 (xarunta caafimaadka gurmadka degdeg ah ee S:t Görans hospital)
Hadii aad degan tahay Danderyd, Täby, Vallentuna, Lidingö, Vaxholm ama Åkersberga
Hadii aad u baahan tahay kaalmo inta lagu jiro maalintii (8 subaxnimo - 5 galabnimo) waxaad la xidhiidhi kartaa dhakhtarkaag cilmi nafsiga , qofka ka masuulka ah daawayntaada, qaybta soo dhawaynta ama adiga oo lasoo hadlaya 08-128 899 00.
Hadii aad u baahan tahay in degdeg laguu daweeyo labada maalmood ee fasaxa todobaadkii wixii ka danbeeya 5 galabnimo - 8 subaxnimo 24 saacadood maalintii la hadal 08-128 899 00.